4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2018
Dad isku Qoys oo ku dhintay shil baabuur degmada Laascaanood

 

Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL) – Saddex ruux oo isku qoys ah ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay inta u dhexaysa Tuulo-samakaab iyo Yagoori oo waqooyi kaga aadan magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Gaadhigan oo ayaa NUOHA oo ka timi magaalada Gaalkacayo waxaa uu ku socdey magaalada Hargeysa, oo uu hawl caafimaad loogu wadey.

Qoyskan oo ka koobnaa Hooyo iyo sadex ay dhashay waxana ka nool hal gabadh oo xaaladeeda caafimaad dhakhaatiirta isbitaalka sheegeen aad u liidato.

Taliyaha ilaalada nabad-gelyada wadooyinka Gaashanle Shaahdiid Aadan Xirsi ayaa HOL u sheegay in shilkan uu sababay sabarad u baxday iyo masuuliyad xumo.

"Darewalkii ayaa lulooday wuxuu u sheegay in ay seexdaan Laascaanood, kadib ayaa sida uu darawalku ii sheegay in uu tusay Liisan kana codsaday inuu isagu kexeeyo waana ka ogolaaday, taasina waata keentay in aan xidhno darawalka oo keligii ka bed qaba wixii gaadhiga saaraa" sidaa waxaa sheegay Shaahdiid. 

Sidoo kale Taliyuhu waxa uu sheegay in markasta ay shilalka intooda badan ay u dhacaan, aqoondaro iyo masuuliyad la'aan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool