4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2018
Guddoomiye Cirro“ Guusha uu sheegtay madaxweynuhunna siddii ay ku timid waynnu ogayn”

 

Khamiis,January 25,2018 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga WADDANI iyo masuuliyiin la socota ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii labadda beelood ee Dararweyne ee gobolka Sanaag, waxaanu sheegay in xalina dirirta labadan beelood ee soo noqnoqday ay waajib ka saaran yahay xukuumadda.

“Xisbi ahaan waxaanu maana soo booqanay dadkii reer Somaliland ee ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Dararweyne, intii badnayd ee aanu soo aragnay xaaladoodu way fiicnayd, markii hore inta dhimatay ilaahay baan naxariis u waydiinaynaa, tacsina waanu u direynaa, mar labaad waanu ku baaqayna in colaada la joojiyo oo dagaalka la joojiyo, sugida amniga iyo dhamaystirka Colaadda waa waajib saaran xukuumada, waxaanu jecel nahay xisbi ahaan in talo kasta oo lagu sugayo amniga aanu ka gacan siino xukuumadda, laakiin waxa xilka saaran yahay in heshiishyadii hore la fuliyo ee ay ku heshiiyeen iyo in colaadaasi soo noqon waa xil saaran xukuumada.”ayuu yiri gudooomiyaha xisbiga WADANI Cirro.

Sidoo kale waxa uu ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay madaxweynaha waxaanu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu ii soo diray Telefoon, Waa runtii waannu ku Mahadsan yahay Madaxweynuhu. Anigoo boorama jooga wuxuu igu war-geliyay in Collaadi halkaas ka dhacday, aad baannu ugu Mahadsan yahay War-gelintaas, waxaannu Aniga (Cabdiraxmaan Cirro), iyo Madaxweynuhu isla qaadannay inaan Baaq nabaddeed ka jeeddiyo arrintaas. Baaqii nabaddeed Saacad kadib, ayaan ka jeeddiyay Anigoo boorama jooga. Anigunna waxaan ku idhi Madaxweynaha xilku idinkuu idin saaran yahay, adiga ayuu ku saarran yahay, markaa Madaxweynaha waxaan jecelahay inaanay isaga qaldamin Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Cabdiraxmaan Cirro xilka laga rabo.”

“Doorashaddii waynu galnay, sidii ay ku dhammaatayna waynu ogayn, guusha uu sheegtay Madaxweynuhunna siddii ay ku timid waynnu ogayn, laakiin Xisbigu wuxuu go’aan ku gaadhay isagoo tudhaaya in Madaxweynaha Kursiga looga hadho, markaas malaa Madaxweynuhu muu rumaysan in Kursiga looga hadhaye ha loogu dhaarto” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Labaddii maalmood ee u dambeeyey ayaa hadalo isku tuurtuurayeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.