4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2018
Ganacsato uu kamid yahay Sheekh Max’ed Cabdi Umal oo xaafad cusub ka hirgelin doonta Kismaayo [SAWIRRO]


Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa saaka dhagaxdhigay dhismaha xaafad cusub oo ay magaalada Kismaayo ka hirgelin doonaan ganacsato Soomaaliyeed.

Bilan State waa magaca xaafadda ay ganacsatu doonayaan in ay ka dhisaan magaalada Kismaayo, ayadoo xaafaddan loo dhisi doono hab casri ah islamarkaana ay u dhameystirnaan doonaan dhammaan adeegyada muhiimka ah ee bulshada, sida ay warbaahinta u sheegeen ganacsatada gacanta ku heysa howsha.

Ganacsata shirkadda Kisma Limited oo uu kamid yahay Sheekh Max’ed Cabdi Umal ayaa qorsheynaya in xaafaddan cusub ay kusoo biiriyaan magaalada KIsmaayo, ayagoo soo bandhigay naqshadda ay noqon doonto xaafadda, waxaana xaafaddan cusub  laga  hirgelin doonaa nawaaxiga Xeebta Kibooro ee magaalada Kismaayo.

Nuux C/wahaab Max’ed Waa Mareeyaha Shirka Kisma Limited, waxa uu sheegay in xaafaddan ay u dhameystiri doonaan adeegyada muhiimka ah ee bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, ayna u sameyn doonaan wadooyinka  iyo dhammaan waxyaalaha looga baahanyahay in ay xaafad yeelato, isagoo intaa ku daray in nabadgelyada xaafadda ay noqon doonto mid la isku haleyn karo.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam iyo Sheekh Max’ed Cabdi Umal ayaa si wadajir ah u dhagaxdhigay dhismaha xaafaddan, ayadoo madaxweynuhu sheegay in arrin lagu farxo ay tahay in ganacsatadu maalgashadaan dhulkooda.

Waxa uu ku booriyay ganacsatada kale in ay ku daydaan, kuna tartamaan horumarinta dhulkooda hooyo.

“Waa Tallaabo hore loo qaaday, waana mid dhiirigelineeysa ganacsatada kale, aad baan usoo dhaweeynayaa xaafaddan quruxda badan ee laga hirgelin doono Kismaayo,” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf, xilli uu dul taagnaa naqshadda ay soo bandhigeen ganacsatada.

Xasan Nuur, HIiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.