4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2018
Qoys Soomaaliyeed oo 10 Carruur ah oo ay dhaleen laga qaatay, Canada

 

Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL) – Horaantii toddobaadkan, magaalada Vancouver ee dalka Canada ayaa qoys Soomaali ah waxaa laga qaaday 10 caruur ah oo ay dhaleen. Labadii waalid ayaa iyagana la sheegay in la xiray ka dib markii caruurtooda la qaaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Carruurta oo ay wehliyaan Booliska Canada ayaa qoyskan ugu tagay gurigooda iyaga oo ka qaatay mar kaliya Toban Carruur ah oo ay dhaleen, waxaana sidoo kale la xiray Labada Wiilad ee Carruurta.

Sababta ka dambeysay in Caruurtan waalidoontooda laga kaxeysto ayaa la sheegay in ay tahay kaddib markii Gabdhaha ugu roon ee Qoyska ay dacwad ka gudbiyeen Waalidoontooda, taasi oo ah in la canaanto ama la jir-dilo.

Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa maanta oo Khamiis ah qaadeysa dacwadan, si ay go’aan uga gaarto cida lagu wareejinayo caruurtan iyo xukunka lagu ridi doono waalidiintooda, iyada oo looyaro loo qaban doono labada waalid.

Qofka lagu wareejinayo Caruurtan oo ay Maxkamadda go’aan ka gaareyso ayaa waxaa shuruudaha laga rabo ka mid ah inuusan dambi gelin iyo inuu leeyahay guri weyn oo ay ku noolaan karaan caruurtan.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada oo falkan aad uga carooday, xalayna kulan yeeshay ayaa maanta waxaa ay tagayaan maxkamadda, si maxkamadda ay uga dhaadhiciyaan in Caruurtan loo dhiibo dad Muslimiin ah gaar ahaan Soomaalida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]