4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2018
Maqaayad ay ku shirkoobeen Ganacsato Soomaali iyo Turki ah oo laga Furay Minneapolis

Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)–Maqaayad loogu magac daray Cumpus Cafe oo ay ku shirkoobeen Ganacsato Soomaali iyo Turki ah ayaa xalay xarigga laga jaray Magaalada Minneapolis.,Maqaayadda oo laga hirgaliyay xaafadda Cedar oo Soomaalidu ay ku badan tahay ayaa munaasabadda furitaankeeda waxaa ka soo qeyb galay mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen, Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey iyo Cabdi Warsame oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis.

Waxaa maqaaxidaan ku shirkoobay Cabdiraxmaan Kaahin & Faruk Cingilli waxay labaduba sheegeen in ay soo dhaweenayaan wada shaqaynta iyo iskaashiga dhex maray ,waxayna sheegeen in tani tahay bilow iyo tusaale u cusub labadaba shacab ee uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer.

Waxaa Halkaan Cumpus Cafe lagu helidoonaa doonaa cuntooyinka labada dal iyo tan Maraykanka waana wax wayn in cuntooyin kala kadisan meel qura laga wada helo ,Cunto kariyaasheenu waa Soomaali iyo Turki waxayna abuuri karaan noocyo cuntooyin ah oo dhadhan sareeya leh buu yiri Abdirahmaan Kaahin oo u Waramaayey HOL.

Walaaltinimada dhexmartay sanadahii danbe Soomaalida iyo Turkida siyaasada marka laga yimaado waxaa sii xoogaysanaya dhinaca is dhex galka bulshada.


Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis,Mn

[email protected]