4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2018
Qarax miino oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL) – Qarax miino ayaa goor dhaw oo saakay ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Tarbuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan lagu aasay guri u dhow waddada dhinaceeda, iyadoo lala eegtay ciidamo saarnaa gaari yar oo wadada marayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu hal qof ku dhaawacmay, balse burbur uu soo gaaray guri wadada dhinaceeda ku yaal.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Hodan ayaa gaaray degmada Hodan, waxaana ay ka sameeyeen baaritaano.

Maalin ka hor Qarax duleedka Muqdisho ka dhacay ayaa lagu dilay afar ruux oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]