3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2018
Qarax miino oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL) – Qarax miino ayaa goor dhaw oo saakay ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Tarbuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan lagu aasay guri u dhow waddada dhinaceeda, iyadoo lala eegtay ciidamo saarnaa gaari yar oo wadada marayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu hal qof ku dhaawacmay, balse burbur uu soo gaaray guri wadada dhinaceeda ku yaal.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Hodan ayaa gaaray degmada Hodan, waxaana ay ka sameeyeen baaritaano.

Maalin ka hor Qarax duleedka Muqdisho ka dhacay ayaa lagu dilay afar ruux oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/25/2018 1:56 PM EST
Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)–Saddex ruux oo isku qoys ah ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay inta u dhexaysa Tuulo-samakaab iyo Yagoori oo waqooyi kaga aadan magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

1/25/2018 11:00 AM EST
Khamiis,Janaayo 25,2018 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga WADDANI iyo masuuliyiin la socota ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii labadda beelood ee Dararweyne ee gobolka Sanaag, waxaanu sheegay in xalina dirirta labadan beelood ee soo noqnoqday ay waajib ka saaran yahay xukuumadda.

1/25/2018 8:58 AM EST
Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay goob lagu farsameyn jiray waxyaabaha maanka dooriya oo ku taala degmada Kaaraan.

1/25/2018 3:39 AM EST
Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa saaka dhagaxdhigay dhismaha xaafad cusub oo ay magaalada Kismaayo ka hirgelin doonaan ganacsato Soomaaliyeed.

1/25/2018 3:25 AM EST
Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)–Horaantii toddobaadkan, magaalada Vancouver ee dalka Canada ayaa qoys Soomaali ah waxaa laga qaaday 10 caruur ah oo ay dhaleen. Labadii waalid ayaa iyagana la sheegay in la xiray ka dib markii caruurtooda la qaaday.

1/25/2018 3:10 AM EST
Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)–Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa khudbad dheer ka jeediyay kulan Golaha Ammaanka ay ku yeesheen magaalada New York.

1/25/2018 1:56 AM EST
Maqaayad loogu magac daray Cumpus Cafe oo ay ku shirkoobeen Ganacsato Soomaali iyo Turki ah ayaa xalay xarigga laga jaray Magaalada Minneapolis.,Maqaayadda oo laga hirgaliyay xaafadda Cedar oo Soomaalidu ay ku badan tahay ayaa munaasabadda furitaankeeda waxaa ka soo qeyb galay mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen

1/25/2018 12:58 AM EST
Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)–Guddoomayaha xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta magacaabay guddiga xil-warerjinta.

1/25/2018 12:48 AM EST
Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo dacwad oogaha gaarka ah ee baaraya fadeexada farogalinta Ruushka ee doorashadii Maraykanka Mr Robert Mauller.

1/25/2018 12:43 AM EST
Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)-Xoghayaha Caalamiga ah Horumarinta ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in UK uu ballan-qaaday in uu gargaar bini’aadannimo siinayo Soomaaliya, si dadka Soomaaliyeed uu uga caawiyo cawaaqib xumada abaarta ee Soomaaliya.

1/25/2018 12:35 AM EST
Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kula kulmay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Norway Erna Solberg.