4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2018
Ingiriiska oo sheegay in uu Soomaaliya siinayo Gargaar dheeraad ah

 

Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL) - Xoghayaha Caalamiga ah Horumarinta ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in UK uu ballan-qaaday in uu gargaar bini’aadannimo siinayo Soomaaliya, si dadka Soomaaliyeed uu uga caawiyo cawaaqib xumada abaarta ee Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay lacag dhan 29 Million oo Euro in ay siineyso Soomaaliya, taasi oo ujeedkeeda uu yahay in loogu gar gaaro dadka ay Abaaraha saameeyeen gaar ahaan in loogu iibiyo Cuno, Biyo, dhar ay xirtaan, Bacaha guryaha,Fayadhowrka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin.

“Waxaan lacagtan ugu tala galnay dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay saameeyeen, lacagtan iyada oo Deeqo kala duwan loogu iibiyay ayaa la gaarsiin doonaa, iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin, sida in ay helaan caafimaad buuxa, Cuno iyo Hoy Kumeel Gaar ah.” Ayuu yiri Xoghaye Rt Hon Penny Mordaunt.

Sidoo kale Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday bulshada caalamka in ay kaalintooda ka qaataan taageerada walaaltinimo ee la siinayo shacabka Soomaaliyeed, si ay uga baxaan dhibaatooyinka dhanka nolosha ka heysta.

Dhanka kale Dowladda UK ayaa sheegtay ciidamada Britain in ay gacan ka geysanayaan horumarinta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay gacanta ugu dhigaan una xasiliyaan xaalada amni ee dalka Soomaaliya, sidoo kalena gaaraan isku filnaansho kelinimo ah.

Dhowaan sida laga soo xigtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada (OCHA), baahida cuntada ayaa ku dhowaad laba laaban cel celiska Shanta sano ee sanadka sababtoo ah waxaa jiray roobab kooban, barakac sii kordhey, helitaan la’aanta adeegyada asaasiga ah, iyo sii socoshada amni-darrada iyo colaadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]