4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay dhiggiisa dalka Norway

 

Khamiis, Janaayo, 25, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kula kulmay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Norway Erna Solberg.

Kulanka labada dhinac oo qaatay daqiiqado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo labada dal quseeya oo ay ka mid ahaayeen sii xoojinta xiriirka labada dal u dhaxeeya iyo sidii Norway u sii kordhin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo heysta dhalashada Norway ayaa ka mahadceliyay taageerada ay Norway siiso Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay Norway in ay ka mid tahay dalalka sida aadka ah horumarka ula jecel Soomaaliya.

“Waxaan kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Norway Erna Solberg, oo aan ka wada hadalnay sii xoojinta xirriirka fiican ee labada dal iyo sidii Norway usii kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaan rajeynayaa dhammaan arrimahan in ay hirgalaan” ayuu yiri Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la yeeshay qaar ka tirsan madaxda ka qeyb galeysa shirka Dhaqaalaha Adduunka, waxaana uu kala hadlayay sidii taageero ugu heli lahaa mashaariicda ay dooneyso inay fuliso Xukuumaddiisa.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka yar ee ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeybgalka shirka magaalada Davos, waxaana ku matalaya Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimid in ka badan 120 dal oo heysta ka qeybgalka casuumadda shirkan, iyada oo shirkan diirada lagu saaray kobcinta dhaqaalaha caalamka,waxaana lagu gorfeeyay sida loo kordhin karo dhaqaalaha Caalamka, loona yareyn karo dhaqaale xumada.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay isbeddel ku sameysay hanaanka Canshuuraha iyo maaliyadda islamarkaana hadda tahay dal dalbanaya in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]