4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2018
Dowladda oo War ka soo saartay xaalada Carruur ay ka soo furatay Al-shabaab

 

Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka warqabto xaalada iyo nolosha ay ku sugan yihiin caruurtii 19-kii bishan Howlgalkii Ciidanka Ammaanka Dowladda ay ku qaadeen xero tababar oo Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Jiliyaale ee gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku soo furteen  35 Carruur ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Warfaafinta kuna qornaa luuqada Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay Caruurtii ay Dowladda soo furatay in ay si joogto ah u helayaan difaaca iyo xuquuq buuxda oo ay leeyihiin, iyada oo dowladdu ay sheegtay in ay bixiso dhammaan adeegyada aasaasiga ah ee Caruurta.

“Ciidamada Ammaanka Qaranka Soomaaliya ayaa badbaadiyay 35 carruur ah oo lagu afduubay xerada Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe 19-kii Janaayo 2018, dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ay heshay macluumaad macquul ah oo ku saabsan xeryaha iyo dhaq dhaqaaqyada soconayay, ciidamada amniga Qaranka sida ugu dhaqsiyaha badan ayay ku bilaabeen Howlgalkooda, ugu dambeynna way ku guuleysteen.” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Wasaradda Warfaafinta.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in ay fuliso hawlgallo Milateri si loo helo nabad, waxayna tilmaamtay in marnaba aysan ogoleyn in caruurta loo isticmaalo dagaalada.

Dowladda Federaalka oo Al-shabaab ku eedeysay in aysan dan iyo xaajo ka laheyn caruurta ayaa sheegtay in ay mudnaanta koowaad ay siineyso amniga si muwaadin kasta uu ugu raaxeysto nabadda iyo xasilloonida, loona horumariyo Qaranka.

Carruurtaasi qaarkood oo la geeyay xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ayaa sawirro laga soo qaaday waxaa ay muujinayeen in ay haysato xaalado dhanka caafimaadka iyo daryeel la’aan ah, waxaana Qoraalka dowladda uu u muuqdaa mid jawaab u ah warbaahinta oo shalay baahiyay in xaalad aan wanaagsaneyn ay ku nool yihiin Carruurtan.

Degaanka Jiliyaale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe, Jowharna u jira 30-KM ayaa laga soo furtay Carruurta goob dowladda ay sheegtay Al-shabaab in ay ku tababarayeen ilmahan si ay u baraan habka dagaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]