4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2018
Madaxweyne Biixi oo ka hadlay muhiimada caafimaadka iyo dhaliil uga timid xisbiga WADDANI

 

Arbaco,Janaayo 24,2018 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta kormeeray wasaarada Caafimaadka Iyo Cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxaanu ka hadlay arrimaha caafimaadka iyo arrimaha dagaalkii ka dhacay labadda beelood ee dirirtu ka dhex martay gobolka Sanaag.

Kormeerka uu madaxweyne Muuse Biixi ku tegay xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa habsami-u-socodka hawlaha shaqo ee wasaaradda oo qaranka muhiim u ah, isla markaana uu ugu kuur geli lahaa caqabadaha haysta, ayaa waxa madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyey wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf, agaasimihiisa guud Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo hawl-wadeennada kala duwan ee wasaaradda.

Ugu horrayn Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inay hawsha wasaaraddu si habsami leh u socoto, isla markaana ay shaqaalaha iyo madaxdu iyaga oo isku duuban diyaar u yihiin fulinta dhammaanba ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE ee ku wajahnaa kor u qaadista heerka caafimaad ee dalka iyo sidii ay bulshadu u heli lahayd daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyey, ayaa muujiyey sida ay wasaaradiisu diyaarka ugu tahay inay ficil u beddesho dhammaanba wixii uu xisbigu hore uga qorshaystay dhinaca daryeelka caafimaadka, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweyne waxaan kugu soo dhaweynayaa wasaarad uu is-beddel badani ka muuqan doono oo aanu isku dayi doono in himiladii aad lahayd, tii xisbigu lahaa iyo tii umaddu lahaydba inaga oo isku duuban aanu hirgelino oo annaga oo isku duuban oo si caddaalad ah wax u maamulayna in qof kasta oo Somaliland u dhashayba aanu isku dayno in aanu gaadhsiino adeeg caafimaad, cududda caafimaad ee maanta aynu haysaana ay tahay mid lagu kalsoonaan karo oo ka jawaabi karta baahiyaha caadimaad ee ina haysta.”

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay qiimaha ay bahda caafimaadku bulshada ugu fadhido, ayaa sheegay inay shaqada caafimaadku ka xaasaasisan tahay dhammaanba shaqooyinka kale ee dhiggeeda ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Wasaaradda caafimaadka waxa laga rabaa aqoon, shaqadeeduna way ka duwan tahay shaqooyinka kale oo qaladoodkooda waa laga soo kaban karaa, laakiin qaladka ay galaan kalkaalisooyinka, umulisooyinka ama kuwa shaybaadhka ka shaqeeyaa lagama soo kaban karo oo qof baa ku dhimanaya ama ku naafoobaya, markaa waa inaynu xoogga saarnaa dadka ka shaqaynaya bahda caafimaadka ee magacyada badan leh, ta labaad ee bahda caafimaadka laga rabaa waa anshaxa dhakhtarka, waayo umulisada, ninka shaybaadhka haya kalkaalisooyinka iyo dhakhtarkaba waxa la siiyey oo xirfadoodu siisay wax aan qof kale oo Bani’aadam ahi qaadi Karin.”

Waxa uu ugu baaqay dhammaanba shaqaalaha wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo mihnadleyaasha kale ee adeeggan ku lugta leh inay si waddaniyadi ku dheehan tahay dalkooda ugu huraan aqoontooda, isla markaana ay u adkaystaan duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan.

Dhinaca kale, waxa uu dhaliilay xisbiga WADANI oo sheegay in doorashaddii dhowaan ka dhacday ay amaahiyeen xisiga kulmiye, isagoo arrintaasi ka jawaabaya waxa uu yidhi "Cirro hadalkiisii Boorama wuxuu ka bilaabay, 'Walaalayaal doorashadii weynu helnay, laakiin KULMIYE ayeynu amaahinay', aniguse waxan leeyahay haddii qaamuuska siyaasadda laga helo xisbi doorasho uu helay xisbi kale ammaahiyey waa mid igu cusube hallla iisoo sheego, haddii aanu KULMIYE nahayna ma qabno inaad doorasho na ammaahisay, waxanuse qabnaa inaynu tartannay, si caddaalad ahna tiradii la inoogu hubiyey oo aad tidhi meelaha qaarkood halla ii baadho oo laguu baadhay oo ay idiin xannibnayd oo aanaan ka hadal oo aynu siddeetan kun oo (80,000) ku kala badinay”ayuu yidhi.

“Waxaynu qabnaa in aynaan innagu is bixin karayn dal ahaan oo waxba qabsan karayn waxaynu qabnaa in mar walba aan nidhaahno wasaaradda caafimaadka hay’adi ha daryeesho waa arrin la yaab leh. 26 sano ku jiri mayno hay’ad wax inna siisa hay’aduhu lacagta xaggee ka keennaan? Hay’aduhu waxay keennaan waa cashuur ay bixiyeen dad ajinabi ah oo aynaan isku diin ahayn, hay’aduhu waxay keenaan sadaqo dad kiristaan, Yuhuud iyo budhiisam ay bixiyeen waxaan qabaa inaynu heli karayno waxay hay’aduhu bixiyaan..”ayuu hadaliisa raaciyey.

Mar uu ka hadlayey arrimaha labadda beelood ee dirirtu ka dhacay waxa uu yidhi "Waa masiibo qaran arrinta ka socota deegaanka Darar-weyne, xataa haddii la is dilona tudhaale ayaa jira, shaydaan baana ka adeegay oo wax aynu qaadan karno ma aha, dhammaanteenna weynu isugu tegaynaa oo miyirkaynu kusoo celinaynaa, waano, hadal iyo wacdina way dhaaftay oo waxba loolama hadhin, maantana ciidankii baa dhex jooga, dhaawaciina waa ka halkan yaalla ee aynu ka seexan la'nahay, waxana aanu go'aan ku gaadhnay inaanaan sii daynin ka dhaawac ah ee ladnaada , si aanu qori dib ugu qaadanin..."madaxweyne Muuse Biixi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.