3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2018
Jarmalka oo Soomaaliya ugu yaboohay $ 32 Milyan Euro

 

Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) - Dowladda Jarmalka ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday balanqaadkeeda ah 32 milyan oo Euro oo ay ugu tala gashay Soomaaliya, si ay ugu taageerto shaqada kaabayaasha Soomaaliya.

Lacagtan ayaa dowladda Soomaaliya loo soo marsiinayaa Bankiga Adduunka, gaar ahaan qeybta Jarmalka oo lagu magacaabo Multiple Partner Fund (MPF), taasi oo gacan ka geysanaysa xoojinta kartida deegaanka iyo kartida hirgelinta si loo hagaajiyo helitaanka kaabayaasha Aas-asiga ah ee Soomaaliya.

Madaxa Iskaashiga horumarinta Maalgashiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Jarmalka Marius Rau ayaa sheegay ayaa sidoo kale lacagtan in loogu tala-galay koritaanka magaalooyinka, horumarinta xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta Soomaalida iyo arrimo kale.

“Bangiga Adduunka ee doorka ka ah Soomaaliya wuxuu ku saabsan yahay in la shaqeeyo iyo iyada oo loo marayo xukuumadda iyo dhisidda awoodda masuuliyiinta si ay u xoojiyaan dib-u-habeynta iyo horumarka.” ayuu yiri Marius.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo arrintan si kooban uga hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya u mahadcelineyso Jarmalka oo mar kale qaaday talaabo wanaagsan oo horumar u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sanduuqa dhaqaalaha ee dowladda Jarmalka (MPF) oo lacagtan loo soo marsiiyay dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka hela Midowga Yurub (EU), Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa nabad-galyada (SPF).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/24/2018 2:05 PM EST
Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray.

1/24/2018 11:16 AM EST
Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka warqabto xaalada iyo nolosha ay ku sugan yihiin caruurtii 19-kii bishan Howlgalkii Ciidanka Ammaanka Dowladda ay ku qaadeen xero tababar oo Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Jiliyaale ee gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku soo furteen 35 Carruur ah.

1/24/2018 8:29 AM EST
Arbaco,January 24,2018 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta kormeeray wasaarada Caafimaadka Iyo Cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxaanu ka hadlay arrimaha caafimaadka iyo arrimaha dagaalkii ka dhacay labadda beelood ee dirirtu ka dhex martay gobolka Sanaag.

1/24/2018 6:06 AM EST
Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay xalay ku qaadeen saldhiga ciidmada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

1/24/2018 4:32 AM EST
Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyay ujeedadii ka dambeysay socdaalkii uu sanadkii hore ku tagay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta, xilligii ay soo baxday khilaafkii dalalka Khaliijka ee sababtay in xiriirka loogu jaro Qatar.

1/24/2018 3:48 AM EST
Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab Weerar madaafiic ku qaadeen saldhigyo ciidamada AMISOM ku lahaayeen gobolka.

1/24/2018 3:37 AM EST
Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL)–Inta la xaqiijinayo Illaa 11 qof ayaa ku dhaawacantay weerar la sheegay in uu wali ka socdo gudaha xarunta Save The Children ee dalka Afghanistaan.

1/24/2018 1:00 AM EST
Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani ayaa sheegay in uu jecelyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, sababtuna tahay maadaamaa uu yahay nin saraaxo badan, islamarkaasna runta u sheega Afrikaanka.

1/24/2018 12:46 AM EST
Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa 23-kii January magaalada Davos ee dalka Switzerlannd kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Christine Lagarde, kadib markii uu soo dhamaaday shirkii dhaqaalaha Adduunka.

1/24/2018 12:37 AM EST
Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL)–Booqashadan oo qaadatay ku dhawaad bil ayuu madaxweynuhu ku tagay deegaanno ka tirsan Puntland iyo Galmudug, iyadoo socdaalkan uu ahaa kii u horeeyay ee taariikhda Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago deegaano iyo magaalooyin dhowr ah, tan iyo burburkii dowladda dhexe.