4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2018
Iska horimaad xalay ka dhacay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

 

Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay xalay ku qaadeen saldhiga ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

Weerarkan ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana shacabka magaaladaasi ku nool ay sheegen in maqleen hub culus oo labada dhinac ay is weydaarasanayeen.

Guddoomiyaha degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan Cabdi Daahir Guure ayaa sheegay in Saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday lagu dilay halkaasi, maadaama uu sheegay Ciidamada in ay ahaayeen kuwo diyaarsan, dhankoodana uusan khasaare soo gaarin.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay ka sameeyay howlgal daba socday dagaalkan kooban oo xalay ka dhacay degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]