Xaaf oo mar kale wax laga weydiiyay sababihii uu sanadkii hore u tagay Imaaaraadka
Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed
Ducaale Geelle Xaaf oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyay ujeedadii ka dambeysay
socdaalkii uu sanadkii hore ku tagay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta,
xilligii ay soo baxday khilaafkii dalalka Khaliijka ee sababtay in xiriirka
loogu jaro Qatar.
“Khaliijka sidii aan u aaday iyo
sidii loo fahmay baa kala duwanaa, Anigu waxaan u aaday maadaama gobolkayaga
aanay waxba may tarin, sanadihii horena ay Gobolada kale wax tareen oo kale
ayaa rabay inay anagana wax na taraan oo ciidamada noogu dhisaan xarumo iyo
iskuulo inay nooga dhisaan degmooyinka. Shaqo badan bay ka qabteaan gobolada
kale, gaadiid bay siiyaan, anagu marka waan qatanayn”ayuu yiri Axmed Ducaale
Geelle Xaaf.
Xaaf ayaa mar kale ku celiyay in Imaaraadka Carabta uu u tagay sidii
galmudug ay u siin lahaayeen taageero la mid ah middii ay siiyeen maamul goboleedyada
kale ee dalka ka dhisan.
“Anigu meesha waxaan u aaday wax kale ma ahanee, waxay ahayd anagu waan
qatanahayee dee qaybkayagii na siiya, gobolada kale wax waa sii seynee”ayuu
yiri.
Madaxweyne Xaaf ayaa markii uu tagay Imaaraadka Carabta soo saaray qoraal uu
ku taageerayo Isbaheysiga Sacuudiga iyo Khaliijka, kagana horyimid mowqifkii
dhex dhexaadnimada ee dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka Khaliijka,
waxaana taasi ay horseeday xiisad siyaasadeed oo lagu khal khal geliyay xilkiisa,
isla markaana Maamulka Galmudug ay gashay qalaase siyaasadeed.
Xaaf ayaa sheegay in uu dhamaaday khilaafkii isaga iyo dowladda Federaalka
ee ka dhashay tagitaankiisii sanadkii hore ee Imaaraadka carabta.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]