4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2018
Al-shabaab oo sheegatay in weerar maadaafiic ah ku qaadeen fariisimo AMISOM ay degenaayeen

 

Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab Weerar madaafiic ku qaadeen saldhigyo ciidamada AMISOM ku lahaayeen gobolka.

Weerarkan madaafiicda ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu qaaday saldhigyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin deegaanada NO. 60 iyo Golweyn ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaafiicda qaar ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen saldhiga ciidamada AMISOM, halkaasi oo suuragal ay tahay inuu ka dhashay khasaare.

Al-shabaab ayaa sheegay in weerar madaafiic ah ku qaadeen fariisimo Ciidanka AMISOM ay leeyihiin, khasaarana ay ku gaarsiiyeen.

Waxaa ay intaa ku darreen in meelaha qaar dagaal kooban uu ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab, kaaasi oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay dhankooda rideen madaafiic culus oo jawaab ay uga dhigayeen kuwii lagu soo tuuray, kuwaasi oo ku dhacay degaano ka tirsan Gobolka.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay madaafiicdaasi lagu weeraray fariisimaha Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]