4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo magaalada Davos Switzerland kula kulmay agaasimaha hay’adda Lacagta aduunka

 

Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa 23-kii January magaalada Davos ee dalka Switzerlannd kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Christine Lagarde, kadib markii uu soo dhamaaday shirkii dhaqaalaha Adduunka.

Labadan masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen kaalmada Hay’adda IMF ee Soomaaliya, gaar ahaan iyada oo loo marayo laba Barnaamij-Korjoogayaal Shaqaale ah iyo gargaar farsamo oo ballaaran iyo arrimo kale.

Christine Lagarde ayaa sheegtay Deeqaha deynta ee Soomaaliya in ay tahay mudnaanta IMF iyo dadaal kasta oo loo sameeyo si loo dedejiyo geeddi-socodka nidaamyada aasaasiga ah.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Agaasimaha Hay’adda lacagta Adduunka IMF inuu meel wanaagsan marayo dhaq dhaqaaqa joogtada ah ee ka socda Soomaaliya, oo ay ka mid tahay in la gaaro qodobka awooda u siinaya in uu helo deyn bixinta iyadoo la adeegsanayo dadaal kasta.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa IMF uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Soomaaliya, wuxuuna Khayre rajo ka muujiyay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Xaaladaha dhaqaale ee hoos-yimaada Soomaaliya ayaa weli ah mid adag, laakiin madaxda ayaa dadaal adag ugu jira dib-u-dhiska dalkooda, Soomaaliya ayaa ka mid ah kuwa ugu badan ee qaata gargaarka farsamada ee IMF.

Ra’iisal wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Switzerland waxa uu la kulmi doonaa Madax badan oo Afrikaan ah kuwaas oo dalkaasi u jooga ka qeyb galka Shirka Dhaqaalaha Aduunka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]