4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo soo afjaray booqashadiisii Puntland iyo Galmudug, Warbixin

 

Arbaco, Janaayo, 24, 2018 (HOL) – Booqashadan oo qaadatay ku dhawaad bil ayuu madaxweynuhu ku tagay deegaanno ka tirsan Puntland iyo Galmudug, iyadoo socdaalkan uu ahaa kii u horeeyay ee taariikhda Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago deegaano iyo magaalooyin dhowr ah, tan iyo burburkii dowladda dhexe.

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisa ku soo gunaanuday degmada taariikhiga ah ee Hobyo, halkaasoo maanta duhurkii uu gaaray, isla markaana ku dhagax dhigay Dekeda Hobyo laga dhisayo iyo wado isku xireysa Hobyo iyo Caabudwaaq.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan Hobyo tagin waxaa uu saacado ku sugnaa Cadaado oo uu mar kale dib ugu laabtay, si uu u xaliyo tabashada beesha Cadaado ka qabtay heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.

Safarka Madaxweynaha oo bilowday 7-dii bishan ayaa ku bilaabay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, waxaana kaddib uu tagay Qardho, Boosaaso, Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, sida Koofurta Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusa Mareeb, Guriceel, Caabudwaaq, Xeraale iyo Hobyo oo socdaalkiisa ku soo afjaray.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha ku tagay gobolada dalka oo si nabdoon ugu soo dhamaaday laga soo saarayo war saxaafadeed, guulihii laga gaaray iyo dib u heshiisiintii ka dhalatay.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna safarkiisa la xiriiray Nabadda iyo dib u heshiisiinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]