4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2018
Taabit Cabdi Maxamed oo ka hadlay khilaafka sababay xil ka qaadistiisa

 

Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) -Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banadir Taabit Cabdi Maxamed oo ka hadlay markii ugu horeysay khilaafka sababay xil ka qaadistiisa ee soo kala dhaxgalay isaga iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafkaa ay asal u ahaayeen labo qodob oo kaliya.

Taabita ayaa sheegay in qodobka ugu horeeya ee khilaafka keenay uu ahaa xasiloonida caasimada oo sida uu sheegay aheyd arin si guud iyo si gaar ahba u baahan Nabadoonnimo iyada la ilaaliyo nabada iyo sareynta Sharciga.

Qodobka labaad ayuu ku sheegay shirkii wadatashiga ee nabada iyo hormarinta gobolka Banaadir oo ahaa shir dhinaca kale bandhig u ahaa Aragtida dadka reer Muqdisho ee ku aadan Adeegyada Aas-aasiga ah, Hormarinta Dhaqaalaha, Aamniga iyo Arimaha Siyaasada oo ay ugu horeyso matalaada Dastuuriga ah saddexda milyan ka maqan.

‘’Shacabka 3Milyan ah ee ku dhaqan caasimada waxaa naga wada saaran waajib Soomaalinimo ah ayuu yiri ‘’Taabit Cabdi Maxamed.

“Madaxda qaranka waa rag aan soo wadashaqeynaya halgan dheerna aan soo galnay go’aano masiiri ahna aan soo wada gaarnay,”ayuu ku yiri hadalkiisa sii raaciyay Taabit.

Taabit marnaba shirkiisa jaraa’id kuma uusan soo hadal qaadin wareegtidii ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee lagu joojiyay bixinta iyo iibinta dhulka dowladda oo qeyb weyn ka aheyd khilaafka sababay in uu xilkiisa ku waayo.

Waxaa uu ku baaqay si loo ilaaliyo xasiloonida loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan xayiraada looga qaado xarunta dowladda hoose ee Xamar, isaga oo dhinaca kalana sheegay in uu magacaabayo guddi ka shaqeyn doona xil wareejinta.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]