4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2018
Dagaal dhimasho badan sababay oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

 

Axad, Janaayo, 21, 208 (HOL) -Ilaa 17 ruux ayaa ku dhintay tuulada Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee G. Sanaag sida ay sheegayaan wararka hordhaca ee degaankaas kaga helayo.

Dagaalkan oo joogsadey maqribkii ayaan si sax ah loo hayn khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhacay, waxaase la sheegayaa in dhaawac aad u badan uu labada dhinacba soo gaadhey.

C/laahi Xuseen Darwiish oo ah Suxufi ku sugan Ceerigaabo waxaa uu HOL u sheegay in dagaal xoogan labada beelood uu dhex maray, dadka labada dhinac ka dhintayna aan la sixi karin waxase ay sheegayaan buu yidhi dhawr iyo toban halka ilawareedyo kalena ay 17 iyo 16 ay sheegayaan.

Ciidamo Boolis iyo milateri isugu jira ayaa Ku guulaystey in ay hakiyaan colaada labada dhinac oo saaka dib uga bilaabmay Degaanka Dararweyne oo sanadkii bore la soo gabaganeeyey colaad lagu riiqday oo labada beelood mudo dhex taaley.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xili xiisad colaadeed ay dhex taalo Somaliland iyo Puntland, waxana dhici karta in ciisamo badan aan Somaliland u awoodin, waxa kale oo iyana Kira khilaaf ka dhashay doorashadii madaxda Somaliland.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool