4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2018
Maalinta War-faafinta Soomaaliya oo laga xusay magaalada Muqdisho

 

Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xuska munaasabadda Sannad-Guurada 45-aad ee maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Ururadda Warbaahinta sidda  Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka, guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, madaxda NUSOJ, iyo Madaxda ururrada Saxaafadda madaxa-bannaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hambalyay Suxufiyiinta iyo bahda Warfaafinta, sheegayna in ay muhiim tahay sidii looga faa’ideysan lahaa awoodda warbaahinta maanta.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay sidii loo horumarinta lahaa xirfadda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wada shaqeyn xoog leh ay ka dhaxayso wasaaradaha dowlad gobolleedyada iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dhinaca kale heshiis saddex geesood ah oo u dhaxeeyey wasaaradda Warfaafinta, Jaamacadda Ummadda iyo ururka NUSOJ ayaa lagu kala saxiixdey munsaabadda, kaas oo ku aaddan sare u qaadidda tayarada Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]