3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2018
Al-shabaab oo la sheegay in ay saldhigyo ku leeyihiin dalka Tanzania

 

Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) - Dowladda Tanzania markii ugu horeysay waxaa ay sheegtay in xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya in ay saldhigyo ciidan iyo xarumo dadka lagu tashkiiliyo  ay waddaan qorshe ay ka sameynayaan dhulka Keymaha ah ee ku yaalla gudaha Tanzania.

Xukuumadda Tanzania waxaa ay xustay  in tan iyo 2016-kii Al-shabaab ay dhalinyaro ka qoranayeen daafaha magaalada xarunta ah ee Daar- Salaam.

Dowladda ayaa sidoo kale tilmaamtay in Al-Shabaab ay dhalinyaro badan ku tababareen Gudaha dalkaasi, kuwaasoo ay doonayaan in ay weeraraan xarumaha dowladda.

Simon Sirro Taliyihii hore ee booliska magaalada Daar- Salaam  ayaa sheegay in dhawr jeer ay weerareen saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin degaannada baadiyaha ah gaar ahaan dhulka, waxaana uu sheegay in ay gaarsiiyeen khasaarooyin kala duwan.

Waxaa uu xusay in booliska Daar -Salaam ay gacanta ku dhigeen wiil 9 jir ah oo ay ka qabteen Xero ay ku weerareen Al-shabaab.

Dowladda Tanzania ayaa dhowr jeer sheegtay in weerarro ka dhacay gudaha dalkaasi ay ku tuhmeyso Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/21/2018 2:18 PM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) -Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banadir Taabit Cabdi Maxamed oo ka hadlay markii ugu horeysay khilaafka sababay xil ka qaadistiisa ee soo kala dhaxgalay isaga iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafkaa ay asal u ahaayeen labo qodob oo kaliya.

1/21/2018 1:16 PM EST
Axad, Janaayo, 21, 208 (HOL) -Ilaa 17 ruux ayaa ku dhintay tuulada Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee G. Sanaag sida ay sheegayaan wararka hordhaca ee degaankaas kaga helayo.

1/21/2018 9:18 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xuska munaasabadda Sannad-Guuridii 45-aad ee maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

1/21/2018 3:34 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL)-Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay lagu qaaday Hoteel ku yaalla magaalada Kabul ee dal Afghanistan.

1/21/2018 3:11 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaala Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

1/21/2018 2:37 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) – Labo ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qarax miino oo saakay ka dhacay agagaarka Jaamacadii Gaheyr oo hadda ay degan yihiin ciidamada Booliska Soomaaliya.

1/21/2018 12:45 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL)–Warar soo baxaya ayaa sheegyaa in ciidamo xoogga oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya la wareegeen xarunta dowladda hoose ee gobolka Banaadir, kuwaa la sheeegay in ay sugayaan Amniga xarunta.

1/21/2018 12:35 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyadoo dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye kuxigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.