4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2018
Warar dheeraad ah oo ku saabsan Qarax ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan

 

Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) - Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay lagu qaaday Hoteel ku yaalla magaalada Kabul ee dal Afghanistan.

Dagaalyahanno dhowr ah ayaa galay gudaha hotelka Intercontinental iyagoo si aan kala sooc lahayn u tooganaayay shaqaalihii hotelkaasi iyo dadkii martida ahaa ee halkaasi joogay.

Weerarkan ayaa ah mid aad u xooggan marka la eego baaxadda iyo bartilmaameedkiisuba.

Hoteelkan ayaa ah mid aad loo ilaaliyo, waxaana uu leeyahay bara koontarooll oo dhowr ah. Ilaa iyo haddana ma cadda sida ay raggani dableyda ah ugu suurtagashay inay gudaha u galaan.

Hoteelkan ayaa toddobo sano ka hor waxaa weerar kan la mid ah ku qaaday mintidiinta Taalibaan, kuwaasi muddo shan saacadood ah ay ciidamada ammaanka kula dagaalamayay gudaha hoteelka, ka hor inta aan la dilin, waxaana halkaasi ku dhintay dad ka badan labaatan qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]