4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2018
Faah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho

 

Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) – Labo ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qarax miino oo saakay ka dhacay agagaarka Jaamacadii Gaheyr oo hadda ay degan yihiin ciidamada Booliska Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay ka qaraxday goob qashin yaalay oo aan sidaasi uga fogeyn xarunta Jaamacadii Gaheyr.

Labada ruux ee geeriyootay oo mid ka mid ah haweenay ay tahay, ayaa xilliga qaraxa uu dhacaayay waxa ay marayeen goobta sidaasi ayeeyna qaraxa ugu geeriyoodeen.

Ciidamada Booliska ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay, oo Baaritaan ay ka sameeyeen.

Maydka labada ruux ee shacabka oo halkaasi laga qaaday, ayaa waxaa la geeyay Xarunta dambi barista ciidamada Booliska Somaliyed ee CID.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]