3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir

 

Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhaw wareegto uu soo saaray u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo horay u ahaa Wasiirka Warfaafinta, iyadoo dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.

Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo

-Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalkakala ah:

  • Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

Hussein Mohamed Nurwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad eeMaamulka&Maaliyada;

  • Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
  • Aadan Sheikh Cali Fidoow waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud
  • Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

Xil ka qaadistan ayaa imaneysa kaddib khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo madaxtooyada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/21/2018 2:18 PM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) -Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banadir Taabit Cabdi Maxamed oo ka hadlay markii ugu horeysay khilaafka sababay xil ka qaadistiisa ee soo kala dhaxgalay isaga iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafkaa ay asal u ahaayeen labo qodob oo kaliya.

1/21/2018 1:16 PM EST
Axad, Janaayo, 21, 208 (HOL) -Ilaa 17 ruux ayaa ku dhintay tuulada Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee G. Sanaag sida ay sheegayaan wararka hordhaca ee degaankaas kaga helayo.

1/21/2018 9:18 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xuska munaasabadda Sannad-Guuridii 45-aad ee maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

1/21/2018 6:32 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) - Dowladda Tanzania markii ugu horeysay waxaa ay sheegtay in xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya in ay saldhigyo ciidan iyo xarumo dadka lagu tashkiiliyo ay waddaan qorshe ay ka sameynayaan dhulka Keymaha ah ee ku yaalla gudaha Tanzania.

1/21/2018 3:34 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL)-Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay lagu qaaday Hoteel ku yaalla magaalada Kabul ee dal Afghanistan.

1/21/2018 3:11 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaala Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

1/21/2018 2:37 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL) – Labo ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qarax miino oo saakay ka dhacay agagaarka Jaamacadii Gaheyr oo hadda ay degan yihiin ciidamada Booliska Soomaaliya.

1/21/2018 12:45 AM EST
Axad, Janaayo, 21, 2018 (HOL)–Warar soo baxaya ayaa sheegyaa in ciidamo xoogga oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya la wareegeen xarunta dowladda hoose ee gobolka Banaadir, kuwaa la sheeegay in ay sugayaan Amniga xarunta.