4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2018
Wasiir Jamaal : hay’ad kasta waan kula xisaabtameynaa dhaqaalaha soo gala halka ay ku bixiso

 

Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Arrimaha bani’aadannimada.

Wuxuu sheegay Wasiirka Abaarihii dalka ku dhuftay khasaare hantiyadeed ahaan in ay ku qiyaaseen Soomaaliya in ay ku weysay lacag dhan 3.25 Billion oo Dollar, taasi oo u kala baxeysa dhibaatada abaarta ay geysatay iyo colaadaha.

Sidoo kale Wasiir Jamaal ayaa sheegay in dalka ay ka howlgalaan in ka badan Labaatan iyo Saddex hay’adood oo UN-ka ah, kuwaasi oo la kala shaqeeya Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn.

Wuxuu sheegay hay’ad kasta in lagula xisaabtamayo lacagta soo gasho, waxaa ay qabato, xaga ay rasmi ahaan uga shaqeyso, lacagaha loo balan qaaday, si arrimahan oo dhan la isugu soo uruuriyo, oo ay u noqdaan kuwo waxtar leh.

Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay tan iyo 2011-kii Soomaaliya in loogu deeqay lacag dhan 4.6 Bilyan oo Dollar, Soomaaliyana aysan weli ka muuqan lacagtaasi, welina ay jiraan xaalado bini’aadanimo.

Sida uu qorshaha yahay bishan dhammaadkeeda Muqdisho waxaa imaanaya Madaxda UN-ka iyo Bankiga Adduunka, iyaga oo ka qeyb galaya shir Muqdisho ka dhacaya, si lacagaha la qeybinayo loogu sameeyo jiho toosan.

17-kii January 2018 Hay’addaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo dad gaaraya 5.4 Million oo qofood, kuwaas oo u baahan gargaar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]