4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2018
Dowladda oo sheegtay in ay dishay Nin Ajnabi ah oo ka bar bar dagaalamayay Al-shabaab

 

Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalada gaarka ah ee ka socda degaanada gobolka Shabeellaha Dhexe.

General Maxamed Axmed Macalin Koronto oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka qeybta 27-aad oo ka howlgala degaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan Howlgalada lagula dagaalamayo ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in Al-shabaab inta badan in weerarro gaadmo ah ay ka geystaan waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar, balse taasi wixii hada ka dambeeya ay qorshe ka dejiyeen, wadadaasina ay geeyeen ciidamo dheeraad ah.

General Koronto ayaa sheegay Howlgal maalmo ka hor ka dhacay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe in Ciidanka xoogga dalka ay ku dileen nin Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Shabaab, kaasi oo uu sheegay inuu ka soo jeedo wadanka Comoros.

Wuxuu sheegay in ay helleen xogta ah in Ninkaa uu u dhashay Wadanka Comoros, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Howlgaladan ay yihiin kuwo sii socon doona.

Taliyaha oo la hadlay VOA ayaa sheegay Howlgaladan in ay ka duwan yihiin kuwii sanadihii hore, maadaama uu tilmaamay in garab iyo hiilo weyn ay ka heystaan Dowladdan, sidoo kalena Howlgaladan ay yihiin kuwo balaaran.

Al-shabaab ayaa dhawaan Odayaal ay ka kala keeneen Gobolada dalka waxa ay kula kulmeen meel u dhow degmada Aadan Yabaal, taasi oo weli muujineysa awooda Shabaab ee Gobolka ay ku leeyihiin, balse ugu dambeyn General Koronto ayaa sheegay arrintaasi in ay la socdaan ayna ku wajahn yihiin goobaha ay Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]