3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2018
Micheal Keating : Waa in la qanciyaan cid kasta oo tabasho ka qabta heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna

 

Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo ka qeyb-galay Shir-weynihii Dhuusa-mareeb ayaa ku baaqay in la dhaqan geliyo mideyntii maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Waxaa uu bogaadiyay biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxweynihii hore ee Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan, oo hada noqday madaxa xukuumada Galmudug.

Micheal Keating ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degaanada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug.

“Arrintan waa mid bilow wanaagsan ah, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado, Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed” ayuu yiri Keating.

Sidoo kale Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay Qaramada Midoobay in ay soo dhaweyneyso heshiiskan, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay si dhow ula shaqeyn doonto maamulka Galmudug.

Xubnaha beesha Caalamka ee shalay ka qeyb galay Munaasabadii Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ka mid ahaa Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Keating, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD, Safiirka Itoobiya, iyo saraakiil kale oo QM ka tirsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]













Click here
1/19/2018 2:16 PM EST
Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Labo Wiil oo Soomaali ah ayaa la dilay Labo kalana waxaa soo gaaray dhawac halis ah kaddib toogasho xalay ka dhacday xaafadda Etobicoke ee magaalada Toronto dalka Canada.

1/19/2018 12:05 PM EST
Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL)–Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqidsho caasimadda Soomaaliya waxaa maqribnimadii caawa ka soo degtay Diyaarad gaar ah oo siday Maxaabiis Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Hindiya.

1/19/2018 11:51 AM EST
Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ilaa 32 carruur ah ay ka soo badbaadiyeen Al-shabaab kaddib weerar ay ku qaadeen Iskuul ku yaala gobolka Shabeellaha dhexe.

1/19/2018 8:33 AM EST
Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Dhuusa-Mareeb.

1/19/2018 6:23 AM EST
Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL)-Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Arrimaha bani’aadannimada.

1/19/2018 1:31 AM EST
Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL)–Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalada gaarka ah ee ka socda degaanada gobolka Shabeellaha Dhexe.

1/19/2018 1:27 AM EST
Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL)–Booliiska Maraykanka waxa ay xireen labo wiil oo yaryar, kuwaas oo la sheegay in ay u dhaceen beer shinni ah, burburiyeen, kadibna laayeen illaa nus malyuun shinni ah oo halkaasi malab ku dhalinayay.

1/19/2018 1:19 AM EST
Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL)–Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa kulanka golaha Wasiirada horgeeyay warbixin ku saabsan halka ay marayaan soo deynta Maxaabiista ku xiran dalka Hindiya.

1/19/2018 1:11 AM EST
Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.