4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in la bixiyo dhul ay dowladda leedahay

 

Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

“Iyada oo la ilaalinayo hantida Qaranka ee dhul, Cir iyo Badda waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah, haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

“Markii la i doortay, waxaan ballan qaaday in aan ilaalinayo ammaanada la ii dhiibay, dhulka dowladdana wuxuu kamid yahay ammaanadaas. Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.”

Madaxweynuhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan in aan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]