3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2018
Madaxweynaha Galmudug oo laga mamnuucay degmada Cadaado

 

Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) –Kaddib kulan deg deg ah oo ay ku yeesheen degmada Cadaado Waxgarad iyo Odayaal ayaa lagu sheegay in degmada iyo deegaannada ku xeeran laga mamnuucay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa-xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay War-saxaafadeed ka soo baxay Waxgaradka iyo Odyaasha beesha Cadaado ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta loo oglaan doonin madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan degmada Cadaado iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu faray War-saxaafadeed in aysan u aqoonsan labada mas’uul madaxda Galmudug, iyaga oo si cad uga soo horjeestay shirweynihii maanta lagu qabtay degmada Dhuusa-mareeb ee lagu soo gabagabeeyay heshiikii Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Go’aankan ayaa soo baxay kaddib markii uu fashilmay isku dey la doonayay in odayaasha iyo waxgaradka Cadaado lagu qanciyo in ay aqbalaan heshiiska Ahlu Sunna lala-galay oo ay siweyn uga biyo diideen.

Cadaado ayaa horay u aheyd xaruntii KMG ee maamulka Galmudug hasse ahaatee maamulka ayaa heshiiskan kaddib u soo wareegay xaruntii rasmiga ah ee maamulka oo noqoneysa degmada Dhuusa-Mareeb.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/18/2018 1:03 PM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL)–Madasha Startup Grind oo ah madal lagu marti-qaado dadka hal abuurka leh ee ku guulaysta ganacsiyada waa weyn ayaa maanta casuuntay Xasan Cali Geesey oo kamid ah mulkiilayaasha mid kamid ah Idaacadaha loogu dhagaysiga badan-yahay magaalada Muqdisho.

1/18/2018 10:37 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) –Gudaha dekedda magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dhax toogtay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Badda oo lagu magacaabi jiray Jen. Saciid Aadan Dheere (Saciid Mariino).

1/18/2018 7:43 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL)–Kaddib khilaaf muddo dheer soo jiray calanka dowlad gobolleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah looga taagay xarunta cusub ee madaxtooyada Galmudug ee Dhuusa-Mareeb.

1/18/2018 7:25 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) –Kulanka ay maanta yeesheen gudiga amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa shir gudoominayay madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan, waxaana ka qeybgalay, wasiirro, taliyeyaal iyo saraakiil ciidan.

1/18/2018 7:09 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeybgallay munaasabad dowladda Soomaaliya ay kula wareegtay ciidamo horay uga tirsanaa Ahlu Sunna Waljameeca.

1/18/2018 5:45 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo Ahlu Sunna Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in uu furmay shirweynaha dhimeystirka heshiiska labada dhinac oo maalmihii ugu danbeeyay qaban-qaabadiisa laga waday Dhuusa-Mareeb.

1/18/2018 3:38 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Munaasabadda dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.

1/18/2018 1:46 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL)- Edmonton, Alberta. Jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Edmonton, Gobolka Alberta ee dalka Canada, ayaa ka qeybqaatay kulamo dhaqaale loogu aruurunayey dhamaystirka waddada isku xirta magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkcayo.

1/18/2018 1:31 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in howlgal wada jir ah oo iska kaashanayeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan ah laga fuliyay deegaan lagu magacaabo Baar Sanguuni oo Kismaayo u jira 45km.

1/18/2018 1:14 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi kula qaadanaya magaalada Dhuusa-mareeb qeybaha bulshada ayaa ku ammaanay culumada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud dadaalka ay ku bixinayaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

1/18/2018 1:09 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo shalay Muqdisho uga qeyb galay kulan looga hadlayay arrimaha bani’aadanimada ayaa ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay baareyso wararka sheegaya in qoysas si qasab ah xeryihii ay ku noolaayeen loogaga saaray.

1/18/2018 1:02 AM EST
Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) – Magaalada Kismaayo waxaa ku shirsan culima’udiin Soomaaliyeed oo maalmihii ugu danbeeyayba halkaa shir ku lahaa, waxaana jiray fasiraado kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed shirkaa ka bixinayeen.