4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2018
Wasiirka warfaafinta Somalia oo ka qayb-galay Madasha StartupGrind oo uu marti ku ahaa Xasan Cali Geeseey (Sawirro)


Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL)–Madasha StartupGrind oo ah madal lagu marti-qaado dadka hal abuurka leh ee ku guulaysta ganacsiyada waa weyn ayaa maanta casuuntay Xasan Cali Geesey oo  ah mulkiilaha Idaacad-da Dalsan.

Waxaa kulankan ka soo qayb-galay madax ka tirsan dowladda Somalia oo uu ku jiro wasiirka warfaafinta Eng. C/rixmaan Cismaan Yariisow , Ganacsato iyo dhalinyaro hir-galiyay ganacsiyo guulaystay ,kuwaasi oo qaarkood hadda ka shaqeeya qaybo kamid ah dalka.

Xasan Cali Geeseey oo ah asaasaha idaacadda Radio Dalsan horey-na uga soo shaqeeyay warbaahin-no kala duwan oo madasha marti ku ahaa ayaa ka sheekeeyay caqabadihii ka soo maray shaqadan iyo sida ay ugu suurtagashay in uu ganacsi guulaysta ka sameeyo warbaahinta.

“Sharaf ayey ii tahay in la igu casuumo barnaamijkan ,hadii aan ka hadlo waxyaabaha igu dhaliyay in aan wariye noqdo waxa ay tahay in aan ilaa iyo yaraantaydi jeclaa in aan mar un ku biiro saxaafadda , waxaan xasuusta in xiligii iskuulka aan ahaa arday jeclaa in daabuurka uu ka akhriyo warka ,waxaana taasi ay ahayd calaamad i tusinaysay in mar un aan wariye noqon doono” ayuu yiri Geeseey.

“Waa wax iska cad in hadii aad Somalia wariye ku tahay in ay khataro ku soo wajahayaan ,waxaana soo shaqeeyay xili Muqdisho ay ku badnayd “lama yaqaan Cidda dishay” balse ilaah mahad-dii hadda dalku waa uu hagaagay ,xitaa waxaan isoo maray waqtiyo aan ka bad-baaday khataro aan naftayda ku waayi karay “ ayuu yiri Xasan.

Mar la weydiiyay inta ay dhantahay lacagta uu ku bilaabay ganacsigan ayuu sheegay in ay gaarayso 400,000 oo dollar ,isaga oo tilmaamay in uu qorshaynayo in TV cusub uu ka furo magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in intii uu shaqadan ku jiray uu tababar siiyay wariyayaal badan oo isugu jira wiilal iyo gabadho ,waxaana uu  tilmaamay in ganacsigiisa uu sidoo kale shaqo abuur u sameeyay dhalinyaro ka badan kontomeeyo.

Wasiirka warfaafinta Somalia C/rixmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa sheegay in wariyayaasha Soomaaliyeed ay duruufo adag ku shaqeeyaan , isaga oo bogaadiyay kaalinta ay saxaafad-du u hayso bulshada.

“Xasan Cali Geesey waxaan ku ammaanayaa dadaalkii iyo juhdigii uu bixiyay intii uu howshan ku soo jiray ,dhamaan waxaa kaloo laga doonaya saxaafad-da Somalia ay in ay bulshada garab istaagto oo nabad-da iyo horumarka  ka shaqeeyaan “ ayuu yiri wasiir Yariisow.

Ugu danbayn, Xasan Cali Geeseey ayaa goobta ka sheegay in hamigiisu uu yahay sidii uu horumar muuqda uga gaari lahaa howsha saxaafad-da ,waxaana uu shirkadaha iyo ganacsiyada ka jira Somalia ugu baaqay in ay taageeraan saxaafad-da oo uu sheegay in ay shaqo adag hayaan.

Faysal M. Hassan
[email protected]