Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayay Ergeyga Qaramada
Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada
Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Munaasabadda
dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.
Micheal Keating oo ay wehliyeen Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco
Madeira, IGAD, Safiirka Itoobiya iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha
Dhuusamareeb ku so dhoweeyay Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir.
Xubnaha Beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Munaasabadda midowga
Galmudug, iyadoo sidoo kale munaasabada ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada iyo marti
sharaf kale.
Munaasabaddan ayaa waxay dhabaha u xaari doontaa, sidii Galmudug ay
saldhigan laheyd magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda maamulka.
Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo
ka socda AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka guud ee magaalada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]