4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2018
Dhaqaale Uruurintii dhismaha Waddada Gaalkacyo iyo Hobyo oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Edmonton, Canada


Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) - Jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Edmonton, Gobolka Alberta ee dalka Canada, ayaa ka qeybqaatay kulamo dhaqaale loogu aruurunayey dhamaystirka waddada isku xirta magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkcayo.

Prof. Abdulkadir M. Shirwac oo ah guddoomiyaha guddiga “GOB” oo ka kooban rag iyo dumar isku xilqaamay dhisidda waddadaan ayaa jaaliyadda u soo bandhigay wax-qabadkooda illaa iyo markii loo istaagay in wax laga qabto baahida loo qabo in la isku xiro magaalo xeebeedka Hobyo iyo Gaalkacyo oo aysan jirin hadda ka hor isku day dib-u-dhis ah.

Prof. Shirwac ayaa bulshada Somaliyeed ee magaalada Edmonton la wadaagay warbixinno kala duwan oo ku saabsanaa heerarkii kala duwanaa ee mashruucan uu soo maraay labadii sano ee ugu dambeysay, waxaana uu soo bandhigay muuqaallo iyo cajalado kala duwan oo runtii ay aad u adkayd in la rumaysto siday waddadu ahayd iyo sida ay maantay tahay.

Waddadan oo dhererkeedu yahay 260 Km, ayaa waxaa shaqada laga bilaabay 60km ee ugu darnaa waxaana hadda ka harsan 7 Km oo kaliya, taasoo u muuqata in la gaaray guul wayn oo markii hore u muuqatay wax aan dhici karin, ama mashruuc ay hay’ad ama dawlad kaliya ay wax ka qaban karto.

‘’Haddii si wada jira ah la iskugu tago, Allena tala la saarto wax walba uu shacabku qabsan karo iyadoo aan Dawlad iyo Hay’ado shisheeye aan midna wax laga sugin ayuu yiri Prof Shirwac.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee magaalada Edmonton, Deeq Warsame “Gargareeto” kana mid ah Ganacsatada magaalada ayaai u mahad celiyay dhammaan dadkii deeqaha la baxay, iyadoo halkaas lagu aruuriyey lacag gaareysa $ 25,000.00.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay inta badan odayaasha Magaalada oo ay ka mid ahaayeen, Ex Xildhibaan Cabdullaahi Rooble, Abuukar Hiraabe, Kornayl Abdulkadir, Koshin iyo Ciro.

Ka qayb galayaasha kulanka ka hadlay ayaa guddoomiyaha ka codsaday inuusan hawshaan halkaas ku ekayn, ee uu u gudbo dalka intiiisa kale maadaamaa ay shacabku aamineen, isla markaasna lagu bartay aaminaad iyo waxqabad muuqda, taasoo uu profesarku ballan qaaday in hawshu socon d\oonta shacabka Somaliyeedna uusan waxba ka hagran doonin intuu nool yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]