4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2018
Madaxweyne Biixi oo safarkii labaad ku tagay wadanka Itoobiya

 

Talaado,Janaayo 16,2018  (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safarkii labaad ku tagay dalka Itoobiya ka dib markii uu marti qaad ka helay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegne.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaan warbaahinta la hadal,isla markaana aan sheegin ujeedadda safarkiisa uu ku tagayo Itoobiya, haseyeeshee war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu sheegay inuu safarkaasi yahay mid shaqo oo maalmo kooban qaadan doonta’

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2018 safar shaqo oo qaadan doona maalmo kooban ugu ambo-baxay dalka Itoobiya.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Waxaana intaas lagu daray “Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa daba socda marti-qaad rasmi ah oo uu usoo diray ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegne, waxaana sida qorshuhu yahay uu madaxweynuhu la kulmi doonaa ra’isal wasaaraha Dalkaasi, iyada oo kulankaasna diiradda lagu saari doono xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.”

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku weheliya:

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed

2. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland, Mudane Maxamuud Xasan Sacad

3. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud xiir (Faratoon)

4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shiire oo weftiga kaga Biiri doona Dalka Itoobiya.

5. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani.

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa gabi ahaanba joojiyey dadkii faraha badnaa ee madaxweyneyaasha sii dhoweyn jiray iyo ciidamadii Miisiga tuma ee salaan sharafta bixin jiray, waxaanu ku soo koobay tobaneeya askar oo salaam bixisa.

Sidoo kale waxa uu joojiyey jidadkii loo xidhi jirey madaxweynaha marka uu baxaya, iyadoo aan cidiba dareemin ayuu xafiiskiisa ka baxa soona gala, taas oo dadku ku amaaneen wax ka bedelka qaabkii mdaxweynuhu loo soo dhoweyn jiray oo lacag bdani ku bixi jirtay markasta oo uu xafiiska ka baxo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.