Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada
Dhuusa-Mareeb ee gobolka Gal-guduud.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka
Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf,
xubnaha labada golle ee Gal-mudug iyo dadweyne fara badan oo haween iyo carruur u
badan.
Madaxweynaha oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado ayaa waxaa wafdiggiisa
ka mid ahaa Wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada golle ee dowladda federaalka,
Saraakiil ciidan iyo xubno kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna
sheegay shacabka Dhuusa-Mareeb in ay yihiin kuwo jecel nabada iyo hormarka,
isaga oo balan qaaday in dowladda federaalka ay si dhaw ula shaqeyn doonto.
Magaalada Dhuusa-Mareeb oo si aad ah loo diyaariyay ayaa madaxweynaha lagu
soo dhaweeyay, waxaana wadooyinka qaarkood iyo madaxtooyada cusub ee
Galmudug-ba lagu dhajiyay calanka Soomaaliya.
Sida uu qorshaha yahay maalinta berri ah magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ka
dhacaya shir weyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala
saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.
Ammaanka magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana
wadooyinka waa weyn lagu daadiyay ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda
federaalka iyo kuwa Galmudug, ciidamada ayaa sameeyay howlgallo amni xaqiijin
ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la
yeelan doonaa madaxda dowlad goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]