4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2018
Shir looga hadlayay horumarinta degmooyinka Jubbaland oo ka furmay Kismaayo


Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL)–Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii la isaga kaashan lahaa mashaariic lagu horumarinayo adeegyada muhiimka ah ee bulshada, waxaana ka qeybgalaya gudoomiyeyaasha degmooyinka ay ka arimiso dowlad goboleedka Jubbaland, xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah iyo howlwadeennada wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland.

Sida uu sheegay wasiirka arimaha gudaha Jubbaland Mudane Max'ed Warsame Darwiish, ujeedka shirka ayaa ah in shacabka iyo maamulku iska kaashadaan horumarka, ayadoo loo maro hannaanka iskaa-wax-u-qabso, isagoo sheegay in si loo gaaro arintaasi ay u baahantahay in shacabka iyo dowladdu ay dhexmarto wada shaqeyn iyo iskaashi.

Gudoomiyeyaasha degmooyinka ka qeybgalaya shirka ayaa soo bandhigi doona qorsheyaal ku aadan sida ugu fudud ee wax looga qaban karo adeegyada muhiimka ah ee bulshada, iyo sida loo abuuri karo jawi ay isku kaashadaan maamulka iyo shacabka.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan, oo daahfuray shirkan wadatashiga ah ayaa sheegay in gudoomiyeyaasha degmooyinka ee ka qeybgalaya shirka ay saarantahay masuuliyad baaxad weyn, lagana doonayo in ay diiradda saaraan sidii ay uga fakari lahaayeen horumarka degmooyinka ay masuulka ka yihiin, isagoo xusay in ka dowlad ahaan ay kaalintooda qaadan doonaan.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland ay mudooyinkii u danbeeyay ku howlanayd dhismaha goleyaasha deegaanka iyo degmooyinka Jubbaland, hannaanka oo ay wasaaraddu sheegtay in uu yahay habka keliya ee uu ku iman karo isla xisaabtan dhab ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.