4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2018
Madaxda dowlad gobolleedyada oo lagu wado in ay gaaraan magaalada Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) –Magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ka socta qabanqaabada munaasabad ballaaran oo lagu wado in lagu dhameystiro heshiiskii horey u dhaxmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa ku heeshiiyay in labada maamul la mideeyo kaddib wada hadalo ka dhacay Jabuuti laguna soo gabagabeeyay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dhuusa-Mareeb ayaa waxaa saacadaha soo socda gaari doona wafuud kala duwan oo ka socta dowladda dhexe iyo Madaxda dowlad gobolleedyada oo dhamaantood goob joog u noqon doona dhameystirka heshiiska labada dhinac.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan, Wasiirro Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sidoo kale la filayaa in ay ka qeybgallaan munaasabada.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa noqonaya madaxa xukuumadda maamulka Galmudug, taasoo meesha ka saareysa jirintaanka maamulkii gobollada dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]