4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2018
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo faah faahin ka bixiyay dagaallada gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) - Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamuud Maxamed Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Balcad.

Taliyaha ayaa sheegay in maalmahan ay in Al-shabaab carqalad ku hayeen gadiidka isticmaala sida uu hadalka u dhigay Waddada isku xirta Jowhar iyo Balcad, balse howlgallo ay ciidamada halkasi ka fuliyeen khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, islamarkaana ciidan xoog leh la dhigay Waddadaas.

General Maxamuud Maxamed Koronto ayaa beeniyay warar sheegayay in Al-shabaab qabsadeen deegaanno u dhaxeeya Jowhar iyo Muqdisho, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ay markasta diyaar u yihiin inay shacabka ka dulqaadaan sida uu hadalka u yiri  cadowga.

Ciidamada Xoogga dalka  ayaa shalay qaaday guluf ay ku doonayan in ay isugu furaan Waddada  xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo fariismo ay  ka sameysteen Al-shabaab.

Ciidamada Weerarka qaaday oo uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa la wareegay deegaanka Ceelka Geelow, waxaana la sheegay in xoogagga Al-shabaab halkaa isaga baxeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]