Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta meel fagaaro ah kala hadlay bulshada ku dhaqan Koonfurta magaalada, isaga oo ku booriyay in nabada laga shaqeeyo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tagay oo soo arkay goobihii ay u dagaalameen labada maamul, waxaana uu amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada halkaa ku sugan laga kaxeeyo.
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa dhagax dhigay Waddada xiriirisa magaalada Gaalkacyo iyo Hobyo oo ah muddo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaale ee guud ahaanba marka la eego deegaannada gobollada dhexe, isaga oo balanqaaday in dowladdiisu ka shaqeyn doonto hormarinta iyo dhismaha adeega bulshada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]