3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2018
Feysal Cali Waraabe oo faah faahin ka bixiyay wiil uu dhalay oo lagu dilay Suuriya

 

Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL ) –Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland Feysal Cali Waraabe ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Wiil uu dhalay oo lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Suuriya.

Sayid Xusseen ayaa ka tirsanaa Ururka ISIS ee ka dagaalama dalka Suuriya isaga oo heysatay dhalashada dalka Finland, waxaana la sheegay in uu la dhigtay koox kale oo saaxiibadii ahaa oo ay ka wada tirsanaayeen Daacish.

Wuxuu Suuuriya tagay sanadkii 2013-kii, kaddib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu aabihii sheegay.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dhamaadkii sanadkii tagay ee 2017 lagu dilay gudaha dalka Suuriya isaga oo ka tirsan kooxda ISIS.

Waxaa la joogay halkaa xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo iyagu soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerarro dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.

Faysal waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu ka baxay Dalka Finland halkaas oo uu ku dhashay,waxaana uu xusay in dowladda Finland ku wargeliyay warka soo gaaray ee ku saabsan Wiilkiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/14/2018 10:12 AM EST
Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta meel fagaaro ah kala hadlay bulshada ku dhaqan Koonfurta magaalada, isaga oo ku booriyay in nabada laga shaqeeyo.

1/14/2018 8:20 AM EST
Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL)-Degaanada Tukaraq, God-qaboobe iyo Falidhyaale ayaa waxaa ka bilaabmay barakac xoogleh oo soo wajahay dadkii magaalooyinkaas deganaa iyo dadkii reer guuraaga ahaa kadib markii ciidamada Somaliland iyo Puntland la soo dhoobay.

1/14/2018 7:57 AM EST
Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo wali ku guda-jira socdaal ay ku marayaan qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

1/14/2018 6:23 AM EST
Axad, 14 Janaayo, 2018 (HOL) :- Ujeedka kulanka ayaa ahaa daraasaad lagu sameeynayo abaarihii ka dhacay dalka gaar ahaan gobollada Jubbaland intii u dhexeeysay 2016 – 2017, iyo saameynta ay ku yeesheen bulshada reer Jubbaland, waxaana kulankan xog ururinta ah iska kaashaday wasaaradaha qorsheynta dowladda iyo tan dowlad goboleedka JUbblaand.

1/14/2018 3:57 AM EST
Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL)–Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Kenya ayaa warbixin uu qoray kaga hadlay dagaalka Kenya ay kula jirto Al-shabaab, waxaana ay warbixintu sheegtay in Kenya Malaayiin lacag ah ku bixiso dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

1/14/2018 3:14 AM EST
Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL ) – Guddoomiyaha gobolka Hawaii ee waddanka Mareykanka, David Ige, ayaa sheegay in mid ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay bar loogu talagay in laga dirro digniinaha khatarta soo wajahan, taas oo dadka loogu diray digniin ah in gantaal riddo dheer uu gobolka ku soo wajahan yahan.

1/14/2018 12:52 AM EST
Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL)–Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa magaalada London kula kulmay xubno ka mid ah baarlamanka UK.

1/14/2018 12:42 AM EST
Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maalintii shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa in maanta uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha bulshada gobolka Mudug ee labada dhinaca,

1/14/2018 12:23 AM EST
Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL)-Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa ka hadlay weerar ka dhacay inta u dhaxeyso magaalada Mandheera iyo degmada Lamu ee dalka Kenya.

1/14/2018 12:19 AM EST
Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL )–Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Gal-guduud oo maalmaha soo socda la filayo in uu gaaro madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in la geeyo ciidamo ka socda howlgalka midowga Africa AMISOM.