4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2018
Kenya oo dhaqaale adag ku bixisa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

 

Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL ) – Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Kenya ayaa warbixin uu qoray kaga hadlay dagaalka Kenya ay kula jirto Al-shabaab, waxaana ay warbixintu sheegtay in Kenya Malaayiin lacag ah ku bixiso dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Dowladda Kenya ma aysan soo bandhigin tiradda Askarta ah ee looga dilay Soomaaliya iyo cadadda rasmiga ah ee Kharashka dagaalka uga baxay.

Saraakiil ka tirsan militariga oo uu la hadlay Wargeysa ayaa sheegay in Askari kasta ee Kenyan ah kana dagaalamaya Soomaaliya ay maalintii ku baxdo lacag dhan 7000 oo shilling-ka Kenya ah, bishiina waxaa ku baxa 210,000 oo shilling halka Sanadkiina ay ku baxdo lacag dhan 2.52 Million .

Ugu yaraan 4000 oo Askar Kenyan ah ayaa Soomaaliya ka dagaalanta waxaana ku baxa Kharash ka badan 10 billion oo Shilling-ka Kenya ah sanadkii si ay dagaalka ugu jiraan.

Uhuru Kenyatta madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku adkeeystay in ciidamadiisu ay sii joogaan dalka Soomaaliya ilaa iyo inta ay meesha ka saarayaan qatarta ay Al-shabaab dalkiisa ku hayaan, laakiin mucaaradka Kenya ayaa xukuumadda Kenyatta ku cambaareeyay tilaabadaas waxayna ku doodeen in ciidamadda Kenya looga fiicanyahay in Soomaaliya ku dhintaan waxayna taas badalkeeda soo jeediyeen in ciidamadda Kenya ay amaanka dalkooda ka sugaan xuduudda.

Marka laga soo tago Malaayiinta dollar ee Kenya ay ku bixiso dagaalka Somaaliya waxaa jira Ciidamo badan oo Al-shabaab ku dileen guda Soomaaliya tan iyo Sanadkii 2011 kii.

Weeraraddii ugu Khasaaraha badnaa ee ciidamadda Kenya ay Al-shabaab kala kulmaan waxa ay kala ahaayeen Weerarkii Ceel-cadde 2016 kii iyo kii Kulbiyoow ee 2017 kii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]