4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo la kulamaya qeybaha bulshada gobolka Mudug

 

Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL ) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maalintii shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa in maanta uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha bulshada gobolka Mudug ee labada dhinaca,

Madaxweynaha ayaa shalay ka sheegay meelfgaaro ah in muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo uu ka shaqeyn doono  dadaallada dib u heshiisiineed iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

Waxaa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay waxaa u bilowday Safarka dhulka uu ku tagaayo degaanada Galmudug, waxaana lagu waddaa in uu berri gaaro Magaalada Cadaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]