4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2018
Ciidamo ka socda AMISOM oo tagaya magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-guduud

 

Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL ) – Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Gal-guduud oo maalmaha soo socda la filayo in uu gaaro madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in la geeyo ciidamo ka socda howlgalka midowga Africa AMISOM.

Ciidamada ayaa waxay xaqiijin doonaan amaanka magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud, oo la filayo in ay tagaan wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo k amid ah masuuliyiinta wada qaban qaabada safarka madaxweynaha ee magaalada Dhuusomareeb ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay yihiin kuwo ka qeyb qaadan doono amaanka magaalada.

“Waa la rajeynayaa in ciidamo ka socdo AMISOM ay yimaadaan halkaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, waxey ay tagayaan haraaraha magaalada si amaanka loo xaqiijiyo”ayuu yiri Cabdisamad.

Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa inuu usii gudbaa magaalooyinka Cadaado, Guriceel, Caabudwaaq iyo magaalada Dhuusa-mareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]