4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2018
Qayb ka mid ah golaha wasiiradda cusub ee Somaliland oo maanta xildhibaanadda golaha Wakiiladdu ansixiyeen

 

Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL) –12 ka mid ah golaha wasiiradda cusub ee Somaliland ayaa maanta ansixiyeen xildhibaanada golaha Wakiiladda Somaliland, waxaana loo sameeyey jad wal ay saddexda cisho ee soo socda marba koox loo hor keeni doonno golaha.

Wasiiradan ayaa mid mid loo akhriyey waayahoodda nololeed dhanka waxbarashada, khibradoodda iyo shaqooyinkii ay hore usoo qabteen iyo waraaqahooda dambi la’aanta, intaas ka diba waxa wasiir walba golaha ka hor akhriyeen qorshihiisa uu doonayo inuu ku maamulo wasaaradaha loo magacaabay, waxaanu xildhibaanada ka codsanayey inay ansixiyaan.

Ka dibna waxa hoolka xildhibaanada laga saaray dhamaan wasiiraddii si cod gacan taag ah loogu qaado wasiir walba, iyadoo horena guddi hoosaaadyadda goluhu usoo baadheen wasiiradan, haseyeeshee waxa dhamaantood lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah.

Labadda cishe soo socdana waxaa iyagana loo ansixin doona xilalka loo magacaabay wasiiradda hadhay oo koox koox u hor iman doonna golaha Wakiiladda.

 

Wasiiradda maanta loo ansixiyey xilalka loo magacaabay waxay kala ahaayeen wasiirka Horumarinta Beeraha, wasiirka horumarinta Maaliyadda, wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technology-ga, wasiirka Caafimaadka, wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo kallumaysiga, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda, wasiirka Diinta iyo Aw qaafta, wasiirka hawlaha guud iyo dhulka, wasiirka Biyaha, wasiirka waxbarashada, wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha.

Dhinac kalena Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta magacaabay afar agaasime guud oo wasaaradaha qaarkood u magacabay, waxaanay kala yihiin :

1- Aadan Cabdillaahi Cabdille, agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo Aw qaafta.

2- Prof. Maxamed Faarax Xareed, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada.

3- Axmed Abokor Yuusuf, agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga.

4- Xamda Daahir Afqarshe, agaasimaha maamulka iyo lacagta ee komishanka xakamaynta AIDs-ka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.