4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2018
Haweenka Sacuudiga oo markii ugu horeysay ka qeybgalay daawashada Cayaar Kubadda Cagta ah

 

Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL) – Haweenka dalka Sacuudiga ayaa marki ugu horreeysay Jimcihii shalay loo ogolaaday in ay si toos ah garoomada uga daawadaan ciyaaraha kubadda cagta.

Dumar badan ayaa markii ugu horeeysay taariikhda shalay daawaday ciyaar maxalli ah oo magaalada Jidah ku dhexmartay kooxaha Al-Ahli iyo Al-Batind.

Fadhiga garonka ayaa ahaa kuwo u kala qeybsan Rag iyo Dumar, Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbadalada uu la yimid amiirka leh dhaxalka boqortooyada Maxamed Bin Salman.

Garoonka kubadda cakta magaalada Riyad ayaa galabta noqon doona garoonka labaad ee ay haweenka sacuudiga marki ugu horeysay ka daawan doonaan ciyaar kubadda cakta.

Waxaa xigi doona garoonka Dammam oo isna Khamiista ay dumarka tagi doonaan, waana tallaabadii ugu horeysay oo haweenka Sacuudiga si toos ah uga qeybgallaan daawashada Cayaar ka dhaceysa dalkaas.

VOA