4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2018
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Gaalkacyo

 

Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyaha iyo wafdiggiisa oo ka soo anbabaxay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Gaalkacyo Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka mas’uuliyiinta Labada maamul Puntland iyo Galmudug.

Mas'uuliyiinta Wafdiga ku soo dhaweysay magaalada Gaalkacyo waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada maamul ee magaalada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Gaalkacyo kula hadli doona Fagaaraha Kamaaludiin, halkaasoo boqolaal shacab isugu soo baxeen.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu uga gudbo Gaalkacyo, deegaanada kale ee Galmudug, sida Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusa Mareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]