Kulan dhaqaale loogu Uruurinayay Waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo oo lagu qabtay dalka Canada
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Magaalooyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka
Canada ayaa lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgalleen Jaaliyada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan labadaasi magaalo oo dhaqaale loogu Uruurinayay
dib-u-dhiska Waddada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.
Prof Cabduqaadir Maxamed Shirwac oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo hormuud u
ahaa Isku imaatinka Jaaliyada Ottawa iyo Toronto ayaa faah faahin dheeraad ah ka
bixiyay muhiimada ay u leedahay shacabka ku dhaqan gobollada dhexe dhismaha
Waddadan isku xirta labada magaalo Gaalkacyo iyo Hobyo.
Wuxuu sheegay in aysan aheyn arin sahlan dhismaha Waddadan oo 260km ah, balse
haddii lagu guuleysto wax weyn ka tari
doonto Ganacsiga bulshada ku dhaqan gobollada dhexe ilaa dhulka Ismaamulka
Soomaalida Itoobiya iyaga oo ka faa’ideysanaya dekedda Hobyo oo muddo dheer aan
la isticmaalin.
Prof Shirwac ayaa soo bandhigay muuqaalo tusinaya sida ay u bur bursan tahay
Waddada oo ay adag tahay in ay adeegsadaan dadka iyo gaadiidka sidaa daaraadeed
muhiim tahay in la dhiso.
‘’In la dhiso Waddadan waxey faa’iido u leedahay dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee
gobollada dhexe ilaa dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya madaama Hobyo tahay
magaaalo Xeebeed leh Deked si fudud Gacsatadu ugala soo degi karaan Badeecadooda
, waana tan keentay in aan abuulno bulshada Soomaaliyeed ee halkan ( Canada) ku dhaqan si
dib u dhis loogu sameeyo Waddada xiriira Gaalkacyo iyo Hobyo.
Prof Shirwac ayaa intaa ku darray in marka laga soo tago Ganacsiga dhismahan
Waddadan faa’iido gaar ah u yeelan doonto deegaanno dhowr ah oo ku yaala
bartamaha Soomaaliya sida Wasil, Gawaan iyo Ceelguul oo hadda aan laheyn
dhamaanba adeegyadii Aas-aasiga u ahaa nolasha.
‘’Dhismaha Waddadan waxaa kaloo ku xiran nolasha deegaanno badan oo ku yaala
bartamaha Soomaaliya, waxaa ka mid ah saddexdan magaalo ee kala ah Wasil,
Gawaan iyo Ceelguul oo siweyn ugu baahan dhismaha Waddadan Hobyo’’ ayuu yiri
Prof Shirwac.
Magaalada Toronto ayaa laga Ururriyay lacag dhan $ 27 Kun oo dollar, halka
Jaaliyada magaalada Ottawa bixiyeen lacag gaareysa $ 16 Kun oo dollar.
Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in Prof Shirwac uu kulan
la yeesho Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Edmonton, isaga oo kala
hadli doona dhismaha Waddada Hobyo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in uu booqdo maalmaha
soo socda deegaannada Galmudug ayuu ka codsaday Prof Shirwac in uu dhagax dhigo
Waddada Hobyo oo sida uu sheegay muhiim u ah nolasha dadka ku dhaqan gobollada
dhexe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]