1/16/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2018
Midowga Afrika oo ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump inuu ka laabto hadal gaf ah


 

Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)– Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump in uu ka laabto hadal gaf ahaa oo la sheegay inuu u adeegsaday wadammada Afrika islamarkaana uu raaligelin hadalkaasi ka bixiyo.

Bayaan si adag loo soo qoray ayuu Midowga Afrika ku muujiyay sida uu uga caraysan yahay hadallada la sheegay, kuwaas oo sharaf dil ku ah qadarinta Mareykanka uu siin jiray kala midab duwanaanshiyaha.

Wakiilada Midowga Afrika ee ku sugan caasimada Mareykanka ee Washington, ayaa muujiyay sida ay “uga xun yihiin, ugana careysan yihin oo ay u diidan yihiin” hadalkii la sheegay inuu kasoo yeeray Trump, taasi oo ay ku sheegeen inay xaqiijineysa in maamulka Mareykanka uu si qalad ah u fahmay qaarada Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa u yeertay safiirka dalkeeda ee Maraykanka, waxa ayna hadalka madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aanan loo dulqaadan karin oo qeyru mas’uulnimo ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa sheegtay sidoo kale inay rajeyneyso in dadka Mareykanka aysan la qabin madaxweyne Trump fikradaan ka dhanka ah dalalka Afrika.

Dr Pelonomi Venson Moitoi, ayaa u sheegtay BBC-da in erayga uu adeegsaday madaxweyne Trump uu ku yahay gef qaarada Afrika.

Hadalada lagu eedeeyay inuu sheegay Trump ayaa yimid xili xildhibaanada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga ee Aqalka Congress-ka ay maalintii khamiista xafiiskiisa ku booqdeen Trump si ay uga wadhadlaan arrimaha muhaajiriinta, xiligaas oo ahayd markii uu Trump hadalada gefka ah jeediyay.

Balse Trump ayaa fariin uu kusoo qorey Twitter-kiisa waxa uu ku sheegay in erey bixinta uu isticmaalay ay ka duwanayd tan ay warbaahinta faafisay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]





Post your comments

1/13/2018 11:16 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo meel fagaaro ah kula hadlayay Kumannaan shacabka reer Gaalkacyo ah ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ugu magacdaray ‘’Socdaalkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed’’

1/13/2018 9:02 AM EST
Sabti,January 13,2018 (HOL)- 12 ka mid ah golaha wasiiradda cusub ee Somaliland ayaa maanta ansixiyeen xildhibaanada golaha Wakiiladda Somaliland, waxaana loo sameeyey jad wal ay saddexda cisho ee soo socda marba koox loo hor keeni doonno golaha.

1/13/2018 8:56 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Haweenka dalka Sacuudiga ayaa marki ugu horreeysay Jimcihii shalay loo ogolaaday in ay si toos ah garoomada uga daawadaan ciyaaraha kubadda cagta.

1/13/2018 8:46 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

1/13/2018 5:57 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in goor dhaw Xabsiga laga sii daayay guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)

1/13/2018 1:14 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Magaalooyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgalleen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan labadaasi magaalo oo dhaqaale loogu Uruurinayay dib-u-dhiska Waddada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

1/13/2018 12:25 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si buuxda u sheegay in dowladdau ku guuleystay in Boqollaal Soomaali ah laga sii daayo Xabsiyada dalka Indin, dhawaanna la filayo in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

1/13/2018 12:14 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay hoggaanka dhaqanka iyo Ganacsatada Gobolka.

1/13/2018 12:06 AM EST
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay munaasabad sagootin ah oo loogu sameeyay magaalada Boosaaso ayaa soo hadal qaaday is qabqabsiga siyaasadeed ee dalka ka jira.