4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2018
Dowladda oo ku guuleysatay in Boqollaal Maxaabiis Soomaali ah ka sii deyso xabsiyada dalka India

 

Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si buuxda u sheegay in dowladdau ku guuleystay in Boqollaal Soomaali ah laga sii daayo Xabsiyada dalka Indin, dhawaanna la filayo in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya dadaal dheer ku bixisay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiistaasi oo xilliggaan la kulmaya dhibaatooyin kala duwan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay soo deyn doonto Maxaabiista loo heysto Falalka Burcadbadeednimo ee ku xiran dalka Hindiya.

‘’Waxaan idin xaqiijinayaa in Boqol Maxaabiis Soomaaliyeed ah aan ka soo deynay xabsiyada dalka India, kuwaa oo hadda sugaya oo kaliya in lagu soo daro maxaabiis kale oo iyaguna la sii deynayo iyo diyaaradii u soo qaadi laheyd Soomaaliya’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Dalka India ayaa ka mid ah dalalka ugu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida, kuwaasi oo loo heysto oo fal dambiyeed la xiriira Burcad Badeednimo, inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.

Sidoo kale bisha February ee sanadkan ayaa la filayaa in Soomaaliya dib loogu soo celiyo maxaabiis kale oo iyagana ku xiran xabsiyo kala duwan oo isla dalkaasi ku yaala,maxaabiista haatan la sii daayay ayaa horey racfaan u qaatay oo ah in laga qafiifiyo waqtiga,balse waxaa diiday maxakamad ku taala dalkaasi,oo go’aamisay in xukunkooda ay dhameystaan

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]