Madaxweyne Farmaajo : Is qabqabsiga siyaasadeed wuxuu caqabad ku yahay hormarka dowladda
Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay munaasabad sagootin ah
oo loogu sameeyay magaalada Boosaaso ayaa soo hadal qaaday is qabqabsiga
siyaasadeed ee dalka ka jira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in is qabqabsiga
siyaasadeed ee jira uu caqabad ku noqon karo hormarka dowladda, waxaana uu
intaa ku daray in dowladda uu madaxweynaha ka yahay mar horeba ka sii fikirtay in
lagu gudbo marxalada ku dhisan in sanad walba la soo dhiso xukuumad cusub.
‘’Khilaafka iyo is qabqabsiga siyaasada waxaa uu caqabad ku
yahay jiritaanka dowladnimada, Annaga ma dooneyno in sanad walba in la soo
dhiso xukuumadu cusub mid kalana la rido’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday madaxweynuhu sida
bulshada Soomaaliyeed markan qadyaan uga joogaan nidaamka 4.5ka ee awood qeybsiga, isaga oo sheegay in wixii hadda ka danbeeya loo
baahan yahay in dalka laga hergaliyo Xisbiyo Siyaasadeed.
‘’Bulshadii aan aragnay muddadii aan hadda safarka ku soo
jirnay waxey –na weydiisanayeen in laga gudbo nidaamkan qabiilka ku dhisan
loona gudbo in dalku yeesho Asxaab siyaasadeed oo dadku isku raacaan aragti
balse aysan isku raacin qaabiil’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo),
oo maalmahan Puntland ku marayay safarkiisii ugu dheeraa ee dhinaca dhulka ah
uu ku maro tan iyo intii madaxweynaha
loo doortay ayaa la filayaa in uu u soo gudbo dhinaca deegaannada Galmudug.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]