4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2018
Guddoomiyihii guddiga doorashada madaxa-bannaan oo lagu xiray Dhuusa-Mareeb

 

Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca halkaa ku xireen guddoomiyihii guddiga doorashada madaxa-bannaan Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey)

Gadiid ay la soctay guddoomiyaha oo ka anbaxay degmada Guri-ceel ayaa lagu joojiyay Koontaroolka laga-galo degmada Dhuusa-mareeb kaddibna la xiray iyada iyo shaqaalihii guddiga ee la socday.

Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu Sunna oo la hadlay VOA ayaa beeniyay in la xiray guddoomiye Xaliimo Yareey, laakiin waxaa ay sheegeen in cid kasta oo soo galeysa degmada baaritaan lagu sameeyo.

Ilo madaxa-bannaan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu xabsiga dhigeen guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan iyo xubno ka tirsan guddiga, waxaana hubkii ay wateen laga qaaday ilaaladii la soctay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]